Bangiga qaybta shirkadaha

Mid adult businessman standing in office

Swedbank waa mid ka mid ah bangiyada ugu horeeya Nordika iyo gobolada Baltiga. Waxaan bixina adeeg maxali ah iyo mid caalami ah, anaga oo u soo bandihgayna dhamaan khibrada xirfadeed ee aad heli kartid. kooxda Swedbank waxaa uu bixiyaa adeeg bangi oo dhammaystiran oo dadka soo jiidanaaya kuwaas oo leh adeeg lacageed oo kaladuwan oo dhamaystiran kuwaas oo adiga kugu habboon si aad u heshid baahida ganacsi ee adiga gaarka kuu ah.

Waxa aan bixinno

  • Talo aan kugu soo jeedino khadka telefoonka iyo/ama marka qaar xafiiska faraca taas oo kuu qalanta.
  • Bangiga laga isticmaala barta inarneetka, bangiga laga isticmaalo telefoonka gacanta halka aad si fudud uga heli kartid sawirka guud ee lacagahaaga.
  • Helitaanka faracyada Swedban iyo bangiyada kaydka ee ku yaala dhamaan wadanka gesahiisa
  • Bixinta agab la awoodi kara oo aan siinno dadka leh ganacsiga yar.

Waxaan uhayna xal kuwa ah ganacsatada yar yar, beeraleyda ama kuwa leh hay'adaha aan faiida doonka ahayn taas oo leh adeeg iyo qiima dhimid caawinaysa oo fududeynaysa nolosha maalin kasta.

Halkan waxaa ah tusaalooyinka adeegyada dheraadka ah oo ay ka koobantahay qaybtaan.

  • Shirkadda Isticmaalka bangi ee Moobilka
  • Akoontiga shirkadda
  • Bankgiro
  • Qiimayn maliyadeed oo sanadla ah kaas oo wata talooyin iyo tusaale kusaabsan dhaqaalaha shirkadda (ganacsatada yar yar iyo beeraleyda).

Hadii aad jeclaysatid inaad ogaatid wax dheraad ah oo kusaabsan package-yada kala duwan, fadlan xor u ahaaw inaad nagala soo xiriirtid telefoonka ama xafiiska faraca maxaliga kuu ah.

Waan ku caawini karna

Iyo waxyaabaha kale, waxaa kale oo aan bixinnaa adeegya iyo talooyin ku kooban goobaha soo socda:

  • Lacagaha dadka howlgabka ah lasiiyo iyo Caymiska
  • Maaraynta Khataraha
  • Maaraynta lacagaha cadaanka ah
  • Ganacsiga caalamiga
  • Isbadalka lahaanshaha
  • Maalgashiga
  • Maalgalinta
  • Adeegga elektroniga
  • Maaraynta hantida
  • Canshuuraha iyo sharciga
  • Dalaalka shirkadaha
  • Adeegga hantida

Noqo macamiilka shirkadaha

Fadlan booqo mid kamid ah xafiiska faracyadeena si aad u noqotid macamiilka Swedbank.

Hadii aad qabtid su'aal kusaabsan noqoshada macamiil, fadlan wac xarunta adeegga macamiisha – Qaybta shirkadaha+46 (0)771-33 44 33.