Si aad macmiilkeena u noqoto waa inaad lambar aqoonsi iswiidhish ah leedahay. Waa inaad booqato xafiis si aad aqoonsigaaga u sugto adigoo baasaboorkaaga muujinaya. Raadi xafiiska kuugu dhow adigoo qaanadda raadinta ee boggaan xaggiisa hoose ku qoraya magaca magaaladaada ama degmadaada.
Dalalka ka midka ah heshiiska Schengen iyana way khusaysaa muujinta kaar u dhigma kaarka aqoonsiga ee ka jira dalka Iswiidhan, kaas oo sheegaya dalka aad ka soo jeeddo. Marka aad muujinayso ID dal shisheeye, aqoonsiga waa in lagu xaqiijiyo dokumeenti dheeraad ah, sida ruqso deganaansho, caddayn shaqo, caddayn ka socota Hay’adda Canshuuraha ama caddayn iskuul-dhigasho.