Waxaan bixinaa kaadhadhka daynta leh iyo kuwa bilaa daynta ah labadaba. Hadaad rabto inaad waxbadan ka ogaato kaadhadhkayaga kala duwan, fadlan wac Xarunta Adeegyada Macaamiisha +46 (0) 771-22 11 22 ama booqo xafiiska laanta deegaankaaga.
Haddaad kaar amaah wax ku iibsato, dhammaan waxyaabaha aad soo iibsatay waxay ka muuqan doonaan qaansheegad-bileedka. Adiga ayaa go’aansan kara haddaad dooneyso inaad lacagta oo dhan markiiba si toos ah u bixiso ama inaad qaybqayb si tartiibtartiib ah u bixiso. Haddaad kaar bangi wax ku iibsato, lacagtu akoonkaaga ayay ka baxaysaa.
Kaadhadhkayagu waxaa ku jira caymisyo dhowr ah iyo adeegyo kale oo kuu mihiim ah, ma ahan Sweden oo keliya laakiin sidoo kale dibedda.