Faafidda adduunka iyo tallaabooyinka/xakameynta la xiriira fayruska Korona ayaa si joogto ah isku bedbedelaaya, gaar ahaan kuwa la xiriira safarka. Miyaad leedahay safar kuu qorsheysan, mise waxa aad ka fikireysaa inaad mid xajisato/qabsato? Xasuusnow waxyaabaha soo socda:

Waxay WHO 11-kii Maarso 2020 ku dhawaaqday inuu COVID-19 yahay cudur dad badan ku faafa/aafo calami ah. Waddamada badankoodu waxay go’aansadeen inay xuduudohooda xidhaan iyagoo tan ka jawaab celinaaya. Waxa aanu soo ururinay macluumaadka la xiriira baajinta iyo jirrada inta aad safarka ku jirto:

Suurtagal miyay tahay in dib loo dhigo ama la baajiyo safarkayga?

Shirkado badan oo safarka ayaa kordhiyay xeerarkoodii ku saabsanaa dib u beddelidda safarka ama dalbashada lacag soo celinta. Waa muhiim inaad hubiso waxa xeerka khuseeya uu yahay, sida, waa maxay muddada ugu dhow taariikhda bixitaankaaga ee aad safarkaaga baajin kartaa iyo in wax kharash dheeri ah ay kugu keeni doonto.